Daawo:- Natiijada Doorashada Wadanka Brazil oo la Shaaciyay

Daawo:- Natiijada Doorashada Wadanka Brazil oo la Shaaciyay

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa ku guuleysatay inta badan doorashadii dhacday maalintii axadda ahayd balse si ay u gaarto guul kama dambeys ah, waa in ka qayb qaadato wareeg labaad oo doorasho ah.

Dilma Rousseff  ayaa wareega labaad waxa  Tartan adag ay wada gali doonan Musharaxa Xisbiga midgta dhexe ee Aecio Neves.

Ms Rousseff oo markii labaad u tartameysa xilkani ayaa waxa ay heshay boqolkiiba 41 codadkii la dhiibtay, halka Mr Neves uu helay 34 cod. dhanka kale Wasiirkii Hore  ee deegaanka Marina Silva ayaa heshay 31 codadkii la dhiibtay.

Guud ahaan wadanka Brazil ayaa laga dareemayaa xamaasadda doorashada  iyada oo dhamaan Militariga  dalkaasi heegan la galiyay, Tv qaranka ayaa  waxa  uu sameeyay tijaabo cod aruurin ah  waxa  soo baxay 98%  dad ka in ay lahaayeen  Dilma Rouseff  oo iyadu dhamaan dad ka ay ku Tilmaamayen in tahay muwaadinad  jecel dadkeeda iyo dalkeeda.

waxa ay  Taageerayaal jilbeesan wadooyin ka Rio de janeiro  lamarayeen calama  ay ku xardhan tahay Dilma sawirkeeda oo ay sheegeen ay astaan u tahay kobcinta dhaqaalaha wadan ka Brazil.

Dhanka kale duqa magaalada caasimada ah ee Rio de janeiro ayaa isagu sheegay  in Dilma ay wax la taaban karo ka qabatay  magaalooyin ka dalka  dhanka caafimaad ka iyo dhanka wax barashada  iyo dhanka amaanka  oo magaalada dhexdeeda  aysan  in mudo ah gangs aysan ku dagaalamin .







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada