Cudur Cusub:- Cudurka Marburg oo qof ku diley Uganda 90 ruuxna loogaga cabsi qabo inuu ku dhacay

Cudur Cusub:- Cudurka Marburg oo qof ku diley Uganda 90 ruuxna loogaga cabsi qabo inuu ku dhacay


daajis.com:- Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka isbitaal ku yaal dalka Uganda ayaa u geeriyooday cudur loo yaqaan Marburg oo ah cudur si dhaqso ah ku fida isla markaana u dhow calaamado la mid ah cudurka Ebolaha.

Wasaarada caafimaadka dalka Uganda ayaa xaqiijisay in siddeetan ruux la karantiilay isla markaana lagu arkay calaamadaha cudurkan illaa sideed ruux oo ah dad uu xiriir la sameeyay qofkii u dhintay cudurkan.

Cudurkan ayaa leh qandho iyo dhiig bax ayaa waxa uu yahay mid aad ugu dhow cudurka ka dilaacay galbeedka Afrika oo ay dad badan ugu geeriyoodeen sida uu sheegay Dr Issa Makumpi oo ka mid ah saraakiisha wasaaada caafimaadka dalka Uganda.

Ninka cudurkan u dhintay oo aan la shaacin magaciisa ayaa ahaa soddon jir ka shaqeeynayay isbitaal ku yaal magaalada Kampala waxaana lagu arkay qandho, calool xanuun iyo shuban. Markii dambe ayuu ninkan matagay dhiig kahor inta uusan dhiman 28kii September.

Warkan oo ay daabaceen wargeysyada dalka Uganda sida New Vision ayaa lagu sheegay in Uganda uu leeyahay taariiq cudurada dhiig baxa sababa waxaana sanadkii 2000 ka dilaacay cudurka Ebolaha kaaso ay 224 ruux ay ugu dhinteen muddo dhowr toddobaad gudahood ah. Hase ahaatee markii dambe ayaa laga guuleystay in la hakiyo fidista cudurka.

Wasaarada caafimaadka dalka Uganda ayaa bilowday dadaalo ay ku dooneyso in ay ku hakiso cudurkan Marburg oo ah cudur markii ugu horeysay lagu arkay magaalo ku taal dalka Jarmalka sanadkii 1967dii.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu baaqay dadka reer Uganda inay is dajiyaan ayna ka fogaadaan is gacan qaadka ama salaanta ayna soo sheegaan qofkii ay ugaga shakiyaan calaamadaha cudurka Marburg.Wasaarada caafimaadka Uganda ayaa xaqiijisay in illaa siddeed ruux oo xiriir la sameeyay ninkii geeriyooday lagu arkay calaamadaha cudurka.

Dadka cudurka laga helay ayaa afar ka mid ah waxa ay ku noolaayeen Mpigi halka labana ay degenaayeen Kasese labada kalana degmada Kampala sida ay shaacisay wasaarada caafimaadka Uganda. Inku dhow boqol ruux ayaa laga cabsi qabaa in cudurkan ay qaadeen maadaama ay xiriiri la sameeyeen ninkii u dhintay cudurka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada