Khilaaf ka dhashay howlgalka ka bilowday Jubooyinka

Khilaaf ka dhashay howlgalka ka bilowday Jubooyinka

daajis.com:- Khilaaf baahsan oo salka ku haayo arrimo siyaasadeysan ayaa ka dhashay howlgalka ka bilowday gobolada Jubbooyinka, iyadoo shalay ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay ku dhaqaaqeen deegano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab waxayna qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Buulogaduud, Lugloow iyo Yoontay.

Qabsashada deeganadaas kaddib ayaa lagu wargeliyay saraakisha ciidamada AMISOM qeybta Sector 2 ee ka socda Kenya in hawlgalka Jubbooyinka inay ku ekaadaan deeganada hadda ay xoreeyeen ayadoo lagu wargeliyay in ciidamada Sector 1 ee dhawaan xoreeyay Baraawe ay soo gaarayaan Jubbooyinka gaar ahaan Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

kenya-troops-somaliaWarkani oo kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Taliska AMISOM ayaa waxaa ka horyimid oo qaadacay Taliska Kenya ee Somalia iyo Jubaland.

Jubbaland ayaa gebi ahaan diiday wargelinta kasoo gaartay Muqdisho waxayna sheegeen inay wadayaan dagaalka ay Alshabaab kaga xoreynayaan Jubbooyinka ,


Dihinaca kale maamulka Jubbaland ayaa diiday in ciidamo Soomali ah iyo kuwa isku dhaf ah la keeno hawlgalka ayagoo sheegay inay awoodaan ka xoreynta al-shabaab degaanada hoos yimaada maamulkooda.

Ciidamada oo xalay ku baryay Buulagaduud ayaa lagu wadaa in dhawaan ay uga ruqaansadaan Kamsuuma oo u jirta 90km waqooyiga Kismaayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada