Video:- Cali Khaliif: Diyaar ayaan u ahay inaan la hadlo Somaliland

Video:- Cali Khaliif: Diyaar ayaan u ahay inaan la hadlo Somaliland

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Somaliland, xili ay dhawaan ku baaqeen in ay dhankooda u diyaarsan yihiin wada hadal lala furo Madaxda Khaatumo ee Cali Khaliif hoggaamiyo.

Cali Khaliif ayaa sheegay in halkii dagaal wax lagu dooni lahaa in ay ka jecel yihiin taas, in caqli wax lagu doono iyo nabad, wixii la wada leeyahayna nabad lagu heshiiyo.

“Magaaladaas Hargeysa iyo Burco maamulka jooga, maalmahan ay hadlayeen oo maqlayay inay rabaan wada hadal, meelaha loo maro wey yaqaanaan, anagana diyaar ayaan u nahay wada hadal, laakiin waxaa shardi ah inay dhulkaan ka kacaan”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

cali-khaliif-galeyrGuddoomiyaha Xisbiga Kulmiya Muuse Biixi ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal iyo in wax la wada qeybsado, isagoo carabka ku dhuftay in Maamulka Khaatumo ay tabanayaan waxyaabo badan.



Laakiin buu yiri ma aqbaleyno in Xasan Sheekh Madaxweynaha Somalia uu usoo maro duminta Somaliland, sida uu hadalka u yiri.

“Walaal waa ku maqleynaa kaalay, wax nala qeybsado, xisbi furo, Madaxweyne u tartan, laakiin ma aqbaleyno, in Somalia u adeego oo Xasan Sheekh u adeego ma aqbaleyno” ayuu yir

Somaliland ayaa deegaanka Saaxdheer ka ceyrisay Cali Khaliif Galeyr xili ay socotay caleema saarkii Madaxweynaha Khaatumo oo isla deegaankaasi lagu soo doortay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada