Ciidanka Maamulka Jubba iyo AMISOM oo gaaray meel u jirta 60km degmada Jilib

Ciidanka Maamulka Jubba iyo AMISOM oo gaaray meel u jirta 60km degmada Jilib

daajis.com:- Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamlka Jubba oo garabsanaya ciidamada AMISOM ay gaareen deegaan u jirta illaa lixdan km degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Kolonyo ciidamo ah oo isugu jira Soomaali iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa gaaray deegaanka Buulo-Guduud oo illaa 30km dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo.
Waxayna ciidamadan ay la wareegeen deegaano badan oo ay ka mid yihiin Yoontoy iyo Goofguduud iyo qaar kale iyagoo aan wax iskahorimaad ah ka dhicin.
Ciidamadan oo doonaya in ay gaaraan deegaanada gobolka Jubbada Dhexe ayaan la kulmin wax iska caabin ah iyadoo deegaanada Yoontoy iyo Buulo-Guduud ay hore gacanta ugu hayeen ururka Alshabaab.
Duulaanka maanta ay qaadeen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa qeyb ka ah duulaanka la magac baxay Badweynta Hindiya.
Deegaanka Buulo-guduud ayaa waxaa horay uga talinaysay Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay ciidamadan oo wata taangiyo iyo gaadiidka kale ee dagaalka ay sii mareen deegaanka Yoontooy oo dhowr iyo labaatan kiiloo-mitir iyaduna Waqooyi-kaga beegan Kismaayo, mana jirin wax iska caabin oo ay ciidamadan kala kulmeen xoogagga Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by olow, Published at 23:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada