Daawo Sawirada:- Madaxweynaha oo maanta kormeer ku tegay xarunta wasaarada gaashaandhiga

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha oo maanta kormeer ku tegay xarunta wasaarada gaashaandhiga

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo la socotay, ayaa waxay maanta hawlo kormeer ah ay ku taggeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho.


Xaruntu waxay ku taallaa Degmada Hodan, gaar ahaan waxay saaran tahay Wadada Warshadaha, iyadoo boqolaal ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay maanta xireen wadooyinka gala, kana soo baxa Xaruntaasi.

Xaruntaasi waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu taageeraayay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom ka gaareen gulufka militari ee la magac baxan (Indian Ocean), laguna qaaday dhulka ay gacanta ku heyso Al Shabaab.

Madaxweynaha Somaliya oo khudbad u jeediyay Ciidanka Xooga Dalka, ayaa wuxuu ku ammaanay guulaha xiriirka ah ee ay ka gaareen dagaal-yahanada Al Shabaab, isagoona ku booriyay inay sii wadaan.

Madaxweynaha, ayaa ka dhawaajiyay in Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya, ay muddo kooban Ururka Al Shabaab kaga qabsadeen dhul muhiim u ahaa, iyadoona uu xusay in uu kaga mahadcelinaayo.

Sidoo kale waxa uu Shabaabku ku eedeeyay inay caqabad ku noqdeen xasiloonida dalka iyo hanaankiisa amniba, balse wuxuu ku goodiyay in Dowladdiisu ku dadaaali doonto, sidii lagu soo gaba gabeen lahaa, sida uu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhanka kale kormeeray qaybo ka mid ah Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, isla-markaana waxa uu kulamo gaar gaar ah uu kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada