Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqday €286 Milyan oo hor leh

Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqday €286 Milyan oo hor leh

daajis.com:- War ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 300 oo milyan oo Euro loogu deeqayo dalka Soomaaliya, iyadoona ay lacagtani qeyb ka tahay lacag loogu talo galay geeska Afrika.


Warasaxaafadeed ka soo baxay xafiiska maidawga yurub u qaabilsan xiriirka caalamiga ah ayaa lagu sheegay in dhawaaqan taageeradu uu ku soo beegmayo ka hor intii aanay booqasho gobolka ku tagin Agaasime Ku-xigeenka Komishanka Yurub ee Agaasimka Hawlaha Horumarinta iyo Iskaashiga, Marcus Cornaro iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alexander Rondos.



Booqashada wafdigan ayaa qayb ka ah hawlgal wadaag ah oo heer caalami ah oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Caalimiga ah oo ay ku jriaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, Madaxwaynaha Kooxda Baanka Aduunka, Jim Yong Kim, Madaxwaynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali Al-Madani iyo Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Midowga Afrika, Erastus Mwencha.

Wafdiyadan ayaa warsaxaafadeedku sheegay inay safar ku tagi doonaan dalalka Soomaaliya Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Madaxwaynayaasha dalwaddahaasi iyo wasiiradooda iyo xubno ka socda Ururada Bulshada si ay uga doodaan caqabadaha iyo iskaashiga mustaqbalka ee gobolka Geeska Afrika.


Taageerada laba-geesoodka ah ee Sanduuqa Midowga Yurub ee 2014-2020 ee dalalka la booqayano inta uu socdo safarku waxay gaadhaysaa

Itoobiya  €745 MilyanSoomaaliya €286 MilyanJabuuti  €105 MilyanKenya €435 MilyanMidowga Yurub sidoo kale wuxuu xidhiidh ganacsi oo dhow la leeyahay dalalka Geeska. Sanadkii 2013kii guud ahaan alaabada laga soo dhoofiyo Yurub waxay gaadhay €4.8 Bilyan halka la soo degto gaadhay €2.3 Bilyan.

Midowga Yurub wuxuu ku bixiyay in ka badan €1 Bilyan kaalmada bilow-aadantinimada ee Geeska Afrika ilaa iyo sanadkii 2011, Isagoo ka jawaabaya dhibaatada  barakaca deg.dega ah iyo sidoo kale dhibaatooyinka cuntada iyo nafadaqa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada