War Deg-Deg:- Shirkii Golaha Wasiirada oo caawa fiidkii la soo gaba gabeeyay

War Deg-Deg:- Shirkii Golaha Wasiirada oo caawa fiidkii la soo gaba gabeeyay

daajis.com:- Shirkii Golaha Wasiirada ay galabta ku lahaayeen xarunta Madaxtooyada ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay, iyadoo shirkan looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga.

Inkastoo shirka uu ahaa mid albaabada u xirnaa, isla markaana ay wariyeyaasha dibad joog ahaayeen ayaa waxaa uu kulanka soo gaaray ilaa 7-dii fiidnimo ee caawa.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa inta badan wasiiradii loo kala bedelay Wasaaradahooda, sida Faarax C/qaadir, waxaana la sheegay in kulanka warbixin looga dhageystay Wasaarada Maaliyada, Hantidhowrka guud.

Goor dhow ayaa la filayaa in laga soo saaro war saxaafadeed shirka Golaha Wasiirada, waana kulankii ugu saacadaha badnaa oo ay yeeshaan Golaha mudooyinkan.


Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada