Daawo Sawirada:- Ragii Dilay Wariye Tima Cade oo Saaka La Toogtay!

Daawo Sawirada:- Ragii Dilay Wariye Tima Cade oo Saaka La Toogtay!

daajis.com:- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo hore u dishay allaha u naxariistee wariye maxamed maxamuud timo cadde.

Aroornimadii hore ee saakay ayaa fulinta xukunka dilka ah waxa uu ka dhacay fagaaraha iskuul buluusiya ee magaalada Muqdisho,  waxaana lagu fuliyay labo gacan ku dhiigle oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab

Gacanku dhiiglayaashaan ayaa lagu helay iney horey u dileen wariye Maxamed Maxamuud Timo-cadde iyo Cawil Xasan oo ka mid ahaa ciidanka Nabadsugidda Qaranka

Cali Bashiir Cusmaan oo da’diisa lagu sheegay 22 jir lagana soo qabtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo C/llaahi Shariif Cusmaan 25 jir,  lagana soo qabtay degmada Dharkaynleey  ayaa saakay lagu fuliyay xukunka dilka ah oo ay ku ridday  maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Goobta uu ka dhacay dilka ayaa waxaa ku sugnaa saaraakiisha maxamadda ciidamada iyo qaar ka tirsan ciidamada dowladda








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada