Daawo Sawirada:- Wasiir Faarax oo dab kusii shiday khilaafka Madaxda

Daawo Sawirada:- Wasiir Faarax oo dab kusii shiday khilaafka Madaxda

daajis.com:- Wasiirka wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka  ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kow ka ahaa Wasiirada xilalkii ay hayeen isku shaandheynta uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa howshiisa caadi usii wada, isagoo dheg jalaq u siin isku shaandheynta Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu ku dhaqmayo baaqii Madaxweynaha ee ahaa in howshooda sii wadaan Wasiirada.

Wasiir Faarax oo maanta soo xeray tababar 3  maalmood shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Garsoorka u socday, kaasoo lagu baranayay xiradaha maareynta xafiisyada ayaa wuxuu sheegay Wasiirka Faarax in Wasaarada Garsoorka ay sii wadi doonto isbadalada dhinaca garsoorka lagu sameynayo.

Xeritaanka tababarkan ayaa kusoo beegmay xili Ra’iisul Wasaaraha uu isku shaandheyn ku sameeyay xukuumaddiisa, iyadoo wasiirka garsoorka xubnaha la badalay uu kow ka ahaa. waxaana isku shaandeyntaasi ka horyimid oo diiday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha wuxuu ku faray Wasiirada in howshooda si caadi ah usoo wataan, taasoo muujineysa khilaafka sare ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada