Aqriso:- Xassan sh & C/wali sheekh oo mid waliba ku adkeystay 3qodob oo aan xal laheyn.

Aqriso:- Xassan sh & C/wali sheekh oo mid waliba ku adkeystay 3qodob oo aan xal laheyn.

daajis.com:- War goor dhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Khilaafka Madaxweyne xassan sheekh iyo Ra’isulwasaare C/weli sheekh axmed uu weli maraayo heerkii ugu sareeyay.

Wararku waxa ay sheegayaan in labada mas’uul uu mid waliba ku adkeysanaayo go’aankii uu horay u qaatay.
Madaxweyne Xassan ayaa ku adkeysanaayo in xalka uu ku jiro fulinta seddex arrin oo kala ah:-

1-In ra’isulwasaare C/weli uu dib uga laabto go’aanka uu ku sameeyay isku shaandheynta golaha wasiirada.
2- In dib loo soo celsho mas’uuliyiintii xilka laga qaaday, islamarkaana R/wasaare C/weli uu cudur daar ka bixiyo baal-marka nidaamka warbaahintana ka shaaciyo inuu qalad bareer cad ah ku sameeyay isku shaandheynta iyo xil ka qaadistii Sanbaloolshe iyo Is casilaadii C/kariin guulleed inuu isaga ka danbeeyay.
3- In wax waliba aan lagala tashan isaga uusan aheyn xalaal.

Sidoo kale, Ra’isulwasaare C/weli ayaa isna ku adkeysanaaya go’aankii uu horay u qaatay, waxa uuna la midoobida Xassan sheekh ku xujeeyay:-

1- Inuu joojiyo faragalinta, la tashiyo la’aanta, gumeysiga siyaasadeed, nin jecleysiga.
2- In uusan dib uga laaban doonin go’aankii uu ku sameeyay isku shaandheynta, xalkuna uu yahay mid ku jira in Xassan sheekh uu aqbalo qaabka ay u dhacday isku shaandheynta.
3- In la joojiyo waxkabedelka dastuurka lagu wado, is laheysiinta dastuurka, in xilalka loogu tallo galay beelaha soomaaliyeed uu ka qaado rag ay isku ehel yihiin oo uu u magacaabay xilalkii beelaha kale.

Khilaafka labada mas’uul ayaa marba marka xigta waxa uu keenayaa qodobo cusub hor leh oo ay isku qabsanayaan labada Mas’uul, inkastoo mid waliba uu qodobo cuskanaayo.

Dhanka kale, Khilafadka madaxda dalka Soomaaliya inta badan ka dhex-curta ayaa ugu dambeyn waxaa xaliya xubnaha Beesha caalamka, ama xalka waxa uu noqdo in Ra’iisul Wasaaraha uu meesha ka baxo.

Lama oga sida uu ku dambeyn doono khilaafkaan iyo xalka waxa uu noqon doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada