VIDEO:- Ciidamada Nabad Sugida oo maanta Howlgal ka fuliyay gudaha Suuqa Bakaaraha

VIDEO:- Ciidamada Nabad Sugida oo maanta Howlgal ka fuliyay gudaha Suuqa Bakaaraha

daajis.com:-  Ciidamada amniga ayaa maanta howlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada ka sameeyay gudaha suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ka soo qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxa ay ciidamadu isku dayeen inay gacanta ku dhigaan ruux bartilmaameed u ahaa, kaasi oo ku dhex dhuuntay shacabka isla markaana rasaas loo waday ay waxyeelo ka soo gaartay qof rayid ah, halkaasina uu ku geeriyooday.


Halkaan ka Daawo
Ciidamada ayaa intaasi kaddib ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan ruuxii bartilmaameedka u ahaa.


Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehelada muwaadinka ku dhintay falka lagu qabanayay ruuxa bartilmaameedka u ahaa ciidamada, waxaana uu intaa ku daray in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga suuqaasi, si aysan ugu soo dhex dhuuman maleeshiyaadka Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada