Daawo Video:- Madaxweynaha Kenya oo hortegay Maxkamadda The Hague.

Daawo Video:- Madaxweynaha Kenya oo hortegay Maxkamadda The Hague.

daajis.com:-
Maalin taariikhi ah ayay u tahay maxkamada dembiyada caalamiga ah, kaddib markii uu maanta uu kasoo hor muuqday madaxweynihii ugu horreeyay ee xil haya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa soo galay qolka koowaad ee maxkamada, isaga oo ku labisan isku joog madow ah, ayna wehliyaan qoyskiisa iyo taageerayaashiisa.

Mr Kenyatta ayaan ka hadli doonin maxkamada horteeda, waxaana uu wakiishay mid ka mid ah qareennadiisa, Steven Kay. Mr Kenyatta ayaan qadarin gaar ah ka helin maxkamada, waxaana loola dhaqmayaa si la mid ah sida eedeysanayaasha kale ee maxkamada.

uhuru-the-hagueDadka badan oo Kenyan ah ayaa doonayay in ay qeybta shacabka ugu tallagashay maxkamada ka la socdaan dacwada, balse uma aanay suuraglin.

Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa ka kala yimid Kenya iyo dalal ka tirsan Yurub.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha Kenya uu ku tegay maxkmada, waxaana ay ku tilmaameen mid muujinaya sida uu xushmada ugu hayo hannaanka garsoorka.

Qareennada Mr Kenyatta ayaa horay maxkamada uga codsaday in aanu hortagin maadama uu yahay madaxweyne dal ayna u yaallaan howlo badan, iyaga oo maxkamada ka codsaday in dhagaysiga dib loogu dhigo ama lagu sameeyo qaab maqal iyo muuqaal ah oo isaga oo jooga Nairobi.

Maxkamada ayaa codsigaasi diiday, waxaana ay ku dooday in arrinta laga hadli rabo ay si toos ah u khuseyso eedeysanaha iyo dadka dhibanayaasha ah.


Dacwad oogayaasha ayaa qiray in aanay haynin cadeymo ku filan oo kiiska loo adeegsan karo, waxaana fadhiga maxkamada ee maanta looga doodayaa suurtagal nimada ah in la hakiyo dhagaysiga kiiska.

Mr Kenyatta ayaa sheegay in uu maxkamada u hortagay isaga oo shakhsi ah, oo aan wadan xilka madaxtinimada dalkiisa. Waxa uu madaxtinimada dalkiisa si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa, William Ruto.

Mr Kenyatta ayaa loo haystaa 5 dacwadood, oo la xiriira dilalkii qabiilka ku salaysnaa ee ka dhacay Kenya kaddib doorashadii natiijadeeda lagu murmay dhammaadkii 2007-dii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada