Faafaahin:- Dhaqdhaqaaq Baraawe ka jira iyo Dowladda oo kusii siqeysa

Faafaahin:- Dhaqdhaqaaq Baraawe ka jira iyo Dowladda oo kusii siqeysa

daajis.com:- Argagixisada Xarakada Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wado magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano u dhow Baraawe.

Wararka laga helayo degmada Baraawe ayaa waxay sheegayaan in maliishiyada Al-Shabaab ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan ciidamada huwanta oo kaabiga ku haaya degmada Baraawe.

baraaweCiidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxay maanta la wareegeen deegaanka Maryan-gubaay oo u dhow degmada Baraawe. Sidoo kale waxay howlgalkooda ku fidiyeen gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo la wareegay degmada Raage Ceele.

Dadka deegaanka ayaa u dheg taagaya dhaqdhaqaaqa ciidan ee Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta oo kaabiga ku haaya Baraawe.


Degmada Baraawe waa magaalada ugu weyn ee Al-Shabaab iminka ka taliyaan, kuna xoogan yihiin, halkaasi oo ah xarunta ay ku howlgalaan madaxdooda, hadii ay suuragashana in lagala wareego waxay la mid tahay guuldaradii ugu weyneyd ee soo wajahda Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada