Golaha wasiirada oo xalay isugu yimid kulan looga hadlayay amniga Dalka

Golaha wasiirada oo xalay isugu yimid kulan looga hadlayay amniga Dalka

daajis.com:- Golaha wasiirrada ayaa kulan ballaaran oo looga arrinsanayay ammaanka dalka xalay ku yeeshay magaalada Muqdisho.


Shirkan xalay ka dhacay xafiiska R/wasaraha ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiisha hey’adaha amniga, kuwa difaaca qaranka iyo AMISOM, iyadoo kulankaasi uu shir gudoominayay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg.


ujeedada shirkan ayaa aheyd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya dhamaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM, iyo in la dejiyo qorshaha lagu xasilinayo deegaannadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shirkaasi oo saacado badan qaatay kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Xasan Ismaaciil oo sheegay in shirkaasi looga hadlay arrimo la xiriira ammaanka dalka.

Taliyaha ayaa xusay in qorshaha ay ku jirto sidii magaalada Muqdisho looga dhigi lahaa meel ka caaggan falal amnidarro, isagoo tibaaxay in arrintaasina ay si wada jir ah uga shaqeyn doonaan dhamaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.


“Waxaan qorsheeysanay in dhulalkii laga xoreeyay nabad diidka dhamaan aan si qurux badan aanu nabadgelyadiisa u sugno, in la sii wado xoreynta dhulka inta ka dhiman ee nabad diidku heysto iyo si deg deg ah loo gaarsiiyo ciidanka nabadugidda, booliiska iyo maamulladii dhulalka la xoreeyay” ayuu yiri Gen, Maxamed Xasan Ismaaciil.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto xasilinta ammaanka guud ee dalka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada