Beledweyne:- Cabsida Laga Qabo Fatahaada Ka Imaan karto Wabiga Shabeelle.

Beledweyne:- Cabsida Laga Qabo Fatahaada Ka Imaan karto Wabiga Shabeelle.

daajis.com:- Cabsi farabadan ayaa laga qabaa in wabiga Shabeelle uu ku fataho magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii wabigu uu biyo faraban keenay kuwaasoo dhaafay qar qarrada wabiga.


Wabiga Shabeelle ee mara bartamaha magaalada Beledweyn ayaa laga cabsi qabaa in uu ku fataho magaaladaasi, kadib markii uu wabigu si xad dhaaf ah u biyo keenay,  iyadoo maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan ay ugu baaqeen dadka ku dhow dhow wabiga iney isaga baxaan guryahooda.


Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax iyo duqa magaalada Beledweyn ayaa dadka ku nool magaaladaasi kula taliyay iney feejignaan muujiyaan, islamarkaana ay ka gaashaantaan sidii ay uga badbaadi lahaayeen fatahaadda wabiga oo laga cabsi qabo inuu qarqiyo xaafado ka mid ah magaaladaasi.


Arrintan ayaa timid kadib markii la arkay wabiga Shabeelle oo wada biyo xad dhaaf ah oo ay suurtagal tahay ineey biyahaasi soo galaan gudaha magaaladaasi.

gudoomiyaha ayaa Wuxuu dhinaca kale hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in laga hor-tago fatahaad uu geysto wabiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada