XOG CULUS:- Alshabaab oo isku heysta XOGTA ku jirta MOBIL-kii Axmed Godane uu ka dhintay

XOG CULUS:- Alshabaab oo isku heysta XOGTA ku jirta MOBIL-kii Axmed Godane uu ka dhintay

daajis.com:- Ilo-wareedyo ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegay in Khilaaf ka dhex curtay maleeshiyada uu sababay Mobil uu horay u lahaa Abu Mansuur Al-Amriiki oo ku baxay gacanta hogaamiyihii geeriyooda ee Axmed Godane.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Mobilka laga helay xog ku saabsan xiriir u dhaxeeyey Al-amriiki iyo Sirdoonka Mareykanka, xili uu bixinaayay macluumaad ku saabsanaa alshabaab iyo xarumahooda ugu waaweyn halka ay ku leeyihiin.

Mobilka ayaa ah kii uu watay Al-amriiki ka hor inta aan la dilin, waxaana la tilmaamayaa in mobilkaasi uu ku jiray gacanta Hogaamiyihii geeriyooday ee Al-Shabaab ee Axmed Godane, balse hadda ay maleeshiyada kale isku haystaan.

Horjoogayaal uu kamid yahay Axmed Diiriye, ayaa ku murunsan in lasoo bandhigo xogtan oo qaarkeed ay ka mid yihiin codad iyo in la qariyo laguna sameeyo baaritaano dheer, maadama arrinta ay tahay mid aad xasaasi u ah.


Dhanka kale, wararku waxa ay tilmaamayaan in mobilka laga helay cod ku saabsan duqeymo lala damacsanaa Hogaanka sare ee alshabaab, hayeeshee fulinta weerarkaasi ka hor la dilay Al-amriiki.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada