Haweeney Spanish ah oo kalkaaliso caafimaad ahayd oo ka bogsatay cudurka Ebola

Haweeney Spanish ah oo kalkaaliso caafimaad ahayd oo ka bogsatay cudurka Ebola

daajis.com:- Bukaankii ugu horeeyay ee uu ku dhaco cudurka Ebolaha meel ka baxsan Galbeedka Afrika ayaa waxaa baaritaano lagu sameeyay laga waayay haatan cuurka Ebolaha.

Baaritaano lagu sameeyay maanta Teresa Romero ayaa laga waayay cudurkan kadib markii ay ku jirtay isbitaal muddo labo toddobaad ah.

“Saddex ruux oo baaritaano lagu sameeyay oo ay ku jirtay kalkaalisada dhammaantood waa laga waayay cudurka,” ayaa mas’uul ka shaqeya isbitaalka Madrid’s Carlos III hospital u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Romero oo ah 44jir ah ayaa daweysay labo bukaan ah kuwaasoo uu dhintey cudurka Ebolaha isbitaalka Carlos III.

Bukaanka hore Miguel Pajares ayaa cudurkan ka soo qaaday dalka Liberia waxana uu u dhintay August 12keeii inkastoo lagu daweeynayay dawo tijaabo ku jirta oo lagu magacaabo ZMapp.

Bukaanka labaad Manue Garcia Viejo oo 69 ahaa ayaa u geeriyooday cuurkan 25kii bishii September kadib markii uu cudurdhaliyaha Ebola uu ka soo qaaday wadanka Sierra Leone oo ka mid ah wadamada ugu daran ee uu cudurkan ku fiday.


Cudurka Ebolaha ayaa inkabadan 4,500 ku dilay caalamka sanadkan kaliya, iyadoo dadkaasi badankood ay ahaayeen dad ku nool wadamada Liberia,Sierra leone iyo Guinea.Waxana uu cudurkan yahay mid ku fida si fudud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada