Hayadaha garsoorka dowladda oo isku dhaggan iyo gud. maxkamadda sare oo shir jaraa'id qabtay

Hayadaha garsoorka dowladda oo isku dhaggan iyo gud. maxkamadda sare oo shir jaraa'id qabtay

daajis.com:- Gollaha Adeegga Garsoorka ee hadda shaqeeya oo uu madax u yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen Muqdisho waxa ay kaga horjeesteen go’aanno laga soo saaray shir looga hadlayay garsoorka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka oo dhawaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.


 Waxa ay sheegeen in hey’adaha waaweyn ee dowladda, sida Fulinta, sharcidajinta iyo garsoorku ay kala madax bannaan yihiin.

Waxaana ay ku doodeen in wasaarad kaliya oo ka tirsan xukuumadda ay sharci ahaan qalad tahay in garsoorka uu hoostago.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Ilkaxanaf, oo hadalka furay ayaa sheegay in muddoyinkan ay soo badatay in hoteello la isugu geeyo dad aan ehel u aheyn nidaamka caddaalada Soomaaliya, oo ay ka hadlaan Garsoorka waxaana uu ku tilmaamay in dowladnimadu aaney ku socon karin hab NGO oo kale ah.

Wuxuu intaa raaciyay in dastuurka hadda jiraa aanu ku qorneyn wax la yiraahdo Xeer Ilaaliye Qaran balse lagu caddeeyay Garyaqaanka Guud.

Shiikh Abdirahman Xuseen Samatar, oo ka mid ah xubnaha Gollaha Adeegga Garoorka ayaa isaguna sheegay in Soomaaliya maanta ay mareyso marxalad muhiim ah oo ah in la kala doorto garsoor madaxbanaan iyo garsoor xukuumadda u adeega wadadana u xaara.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada