Daawo Sawirada:- Wasiirka wafraafinta ee dowladda oo Nairobo kulan kula qaatay Saxafiyiin Somaliyeed.

Daawo Sawirada:- Wasiirka wafraafinta ee dowladda oo Nairobo kulan kula qaatay Saxafiyiin Somaliyeed.

daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Mudane Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa kulan wada tashi ah la qaatay suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi.


isagoo warbixin kooban ku siiyey xaalada dalka, horumarka warbaahinta dalka, isla markaasna dhageystay fikradahooda iyo tallooyinkooda ku aadan xeerka saxaafada Soomaaliya.


Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi qaar kamid ah la taliyaasha wasiirka warfaafinta iyo Liibaan Cabdi Warsame oo ahaa xoghayihii guud ee gudigii dib u eegayay xeerka saxaafada Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlayey bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee Nairobi ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay ka soo qeybgalkiina, kulankan muhiimka ah. Ujeedada aan u codsaday inaan kulano ayaa ah sidii aan uga wada tashan laheyn mustaqbalka dalka gaar ahaan horumarka warbaahinta dalka. Waad la socotaan in Wasaarada Warfaafinta ay in muddo ahba ku howlaneed sidii loo xoojin lahaa xiriirka bahda warbaahinta ah oo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay in warbaahinta Qarankaba ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka warbaahinta dalka. Taladiina iyo fikradihiina waxey muhiim u yihiin sidii aan u dardargalin laheyn barnaamijyada wacyigelinta bulshada iyo horumarinta warbaahinta dalka.”


Kulankan ayaa suxufiyiintii ka soo qeybgashay waxa ay su’aalo ku saabsan xeerka saxaafada weydiin mas’uuliyiinta wasaarada warfaafinta,iyagoo si wanaagsan ula dardaarmay wasiirka kana codsaday inuu sii labo jibaaro horumarka ballaaran ee uu maalin walba ka sameynayo dalka. Iyagoo sheegay inay ka go’antahay sidii wasaarada warfaafinta loogala shaqeyn lahaa dib u dhiska dalka, arrimaha amniga, iyo sidii caalamka loo tusi lahaa in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay.

Wasiirka warfaafinta iyo hanuunita dadweynaha ayaa sheegay in wasaaradiisa ay tix galineyso talada iyo fikradaha wariyaasha ay u soo jeediyeen,isagoo ku casuumay wariyaasha in ay yimaadaan magaalada muqdisho oo ay soo arkaan sida ay u shaqeyso wasaarada warfaafinta.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii soo gabogabeeyey kulanka oo uu yiri “Kulankan maanta iyo doodiinaba waxey aheyd mid nagu sii dhiiri gelineysa inaan sii horumarino warbaahinta dalka oo caqabadaha jira aan meel uga soo wada jeesano. Aad baan uga xunahay falalka mararka qaarkood dhaca oo warbaahinta lagu beegsanayo, hase yeeshee waxaan maalin walba u taaganahay sidii aan u illaalin lahaa xaquuqda wariyeyaasha dalka. Marwalbana waxaan si joogta ah ula hadlaa hay’adaha amniga sidii loo xoojin lahaa xiriirka oo arrimaha isfaham la’aanta qaarkood meesha looga saari lahaa. Waxaa dhowaan qorsheynayaa inaan shir ku qabanno Muqdisho oo bahda Amniga iyo bahda warbaainta ay ka wada tashan doonaan sidii loo wada shaqeyn lahaa. Kulamada wadatashiga noocan oo kale ah waa inaan joogteynaa si aan marwalba u horumarino warbaahinta Soomaaliya.”

DHAMAAD:









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada