Daawo:- Kontenaro khamri ka buuxaan oo lagu qabtay dekedda Muqdisho

Daawo:- Kontenaro khamri ka buuxaan oo lagu qabtay dekedda Muqdisho

daajis.com:- Labo kontenar oo ay k buuxaan khamri ayay hayadaha ammaanka waxa ay ku qabteen dekedda Muqdisho xilli laga soo dejiyay markab u rarnaa ganacsato.


Konteenarada qamriga sida ayaa waxaa laga dejiyay mid ka mid ah maraakiib ku soo xirtay Dekeda Muqdisho, waxaana la sheegay in la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Dekeda Muqdisho ayaa u xaqiijiyay daajis.com in labada konteenar loo qabtay dadkii waday, inkastoo aan la ogeyn cida ay yihiin.

Mas’uuliyiin uu horkacayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ku sugan Dekeda Muqdisho, waxaana la filayaa inuu kula hadlo saxaafada.

Qamrigan faraha badan ayaa lagu wadaa in saaka lagu gubo barxada Iskool Polizio, iyadoona ay noqoneyso markii u horeysay oo khamri sidan  u badan ay dowladda gacanta ku dhigto.


Ka ganacsiga khamriga ayaa mamnuuc ka ah Soomaaliya iyo in dalka la soo geliyo, balse waxaa la sheegaa in si qarsoodi ah dalka lagu keeno.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada