M/weyne Xasan oo waajibaadka Xajka soo gudanayo: Sawirro

M/weyne Xasan oo waajibaadka Xajka soo gudanayo: Sawirro

daajis.com:-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii danbe ee maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, isagoo kusii jeeday dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo uu kusoo gudan doono waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha ayaa safarkaan ku weliyay Ra´iisul Wasaaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaraddaha.

XAsan Sheekh ayaa casuumaad ka helay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana la filayaa gudashada waajibaadka alle kadib inuu kulamo la qaadan doona mas’uuliyiinta dowladda Sucuudiga.

Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax C-qaadir ayaa horay ugu horeeyay Madaxweynaha, si uu ugu sii gogol xaara safarka Madaxweynaha.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada