Shabaabkii Baraawe ku gowracay Oday dhaqameedka oo la qabtay

Shabaabkii Baraawe ku gowracay Oday dhaqameedka oo la qabtay

daajis.com:-  Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Baraawe waxay gacanta kusoo dhigeen mid ka mid ah raggii gowracay Oday dhaqameed deegaanka ka tirsan oo ka mid ah waxgaradkii la kulmay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo Todobaadkii hore booqday Baraawe.

Meydka Odaygan oo la is dhinac dhigay qoortiisa iyo qaarka danbe ayaa lagu arkay subaxnimadii Jimcaha gudaha degmada Baraawe, waxaana la sheegay in kooxo ka tirsan al-shabaab ay kala baxeen gurigiisa.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Degmada Baraawe Cali Nuur Maxamed, ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in mid ka mid ah raggii falka gowraca geystay, ay ka soo dhex qabteen Degmada Baraawe.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tibaaxay in ninkaan lagu soo qabtay hawlgal laga fuliyay Degmadaasi, isla-markaana ay xilligaan gacanta ku hayaan dhagar qabaha.Wuxuuna tilmaamay in xubnaha gowraca geystay ay ka tirsan yihiin mintidiinta Ururka Al Shabaab ee Shantii bishan laga qabsaday Baraawe.


Dhanka kale tallaabada lagu gowracay Odaygaan, ayaa waxay baqdin badan ku beertay bulshada ku nool Degmada Baraawe, waxayna si weyn u hadal-hayaan falka foosha xun leh ee Degmadooda laga geystay.

Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu horey ugu hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka ku dhaqan Degmada Baraawe, haddii ay wada shaqayn la yeeshaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada