VIDEO:- Safaarada Soomaaliya ee Dalka Uganda oo xabsiga ka sii daysay dhalinyaro Xirnaa in mudo ah

VIDEO:- Safaarada Soomaaliya ee Dalka Uganda oo xabsiga ka sii daysay dhalinyaro Xirnaa in mudo ah

daajis.com:- Booliska dalka Uganda ayaa shalay oo Axad ahayd sii daayay dhalinyaro Soomaali ah oo mudo u xirnaa ciidanka Amniga, kuwaas oo ay ciidanku ku qabteen holwgallo ay magaalada Kampala ka samaynayeen bishii la soo dhaafay.

Dadka la siidaayay ayaa qeyb ka ahaa tiro dad ah oo ay ciidanku xireen, kaddib markii lagu tuhmay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Safaarada Soomaaliya,Ganacsato iyo waxgarad Soomaali ah oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb qaatay dedaalada lagu sii daayay dhallinyaradaas oo baaritaanno lagu sameeyay kaddib lagu waayay wax dambi ah.

Booliska Uganda ayaa weli gacanta ku haya 10 qof oo dhallinyaro Soomaali ah, kuwaas oo weli ay ku socdaan baaritaanno la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay.


Howlgalka ay bishii hore booliska Uganda ka sameeyeen magaalada Kampala ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid lagu burburinayay wax lagu tilmaamay “unug ka mid ah Al-Shabaab”, iyada oo saraakiisha booliska Uganda ay ka codsadeen jaaliyadda Soomaalida ah ee dalkaas ku nool in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada