War Deg-Deg:- Agaasimihii TV-ga Somali Chanel ee Muqdisho oo la dhaawacay

War Deg-Deg:- Agaasimihii TV-ga Somali Chanel ee Muqdisho oo la dhaawacay

daajis.com:- Agaasimihii TV-ga Somali Chanel ee magaalada Muqdisho C/risaaq Jaamac Cilmi (Black) ayaa goor dhow kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen, iyadoo dhaawiciisa la dhigay isbitaalka Madiina.

Wararka ayaa sheegaya in Wariye C/risaaq Black ay ku dhacday dhowr xabadood oo ka haleeshay caloosha, waxaana la sheegay in xilliga la dhaawacayay uu fadhiyay ilinka hore ee gurigiisa oo ku yaal xaafada Black Sea ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxaha hubeysan ee dhaawacay wariyaha ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud, iyagoo gaari watay, iyagoo gaariga dhexdiisa ka soo rasaaseeyay.

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay macalin ka mid ah mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal Muqdisho oo ay isla socdeen Wariye C/risaaq Black.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Telefishinka Somali Chanel ayaa sheegay in xilligan qaliin lagu sameynayo wariyaha, isla markaana dhiig loo shubay, iyadoo dhaawiciisa yahay mid culus.



C/risaaq Black ayaa ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho, waxaa uu horay ula soo shaqeeyay Idaacado, haatan wuxuu ahaa Agaasimaha Telefishinka fadhigiisu yahay London ee Somali Chanel xafiiskiisa Muqdisho.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada