9 Ciyaartoy Oo Manchester City Ah Oo Southampton Gurigeeda Cashar Ugu Soo Dhigay

9 Ciyaartoy Oo Manchester City Ah Oo Southampton Gurigeeda Cashar Ugu Soo Dhigay

daajis.com:- Kooxda Man City ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay kooxda Southampton oo ay marti gurigeeda marti ugu ahayd, City ayaa guushan ku soo gaadhay 3:0, waxayna goolashan uga mahad celinaysaa Yaya Toure, Frank Lampard iyo Gael Clichy. Ma City ayaa labada gool ee danbe dhalisay iyada oo ku ciyaaraysa 10 ciyaartoy oo kaliya kadib markii uu Eliaquim Mangala kaadhka cas qaatay.

Manchester City ayaa Southampton gurigeeda St. Mary’s Stadium kou soo booqatay, Man City ayaa doonaysay inay ka faa’iidaysato barbarihii ay Chelsea la gashay kooxda Sunderland, iyadoo fahansanayd ina guul ay ka gaadho Southampton inay soo yarayn karto farqiga dhibcaha u dhexeeya iyada iyo Chelsea. Southampton oo xili ciyaareedkan ku jirta qaab ciyaareed layaableh ayaa dhankeeda doonaysay inay siiwadato qaab ciyaareedkeeda fiican waxayna niyada ku haysay inay ka yaabsato kooxda horyaalka hogaaminaysa.

Kulankan ayaana ahaa mid aad u adag isla markaana ay xamaasadiisu tahay mid aad u saraysa, Man City ayaana ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed fiican. Daqiiqadii 9 aad ee bilawgii ciyaarta ayuu Sergio Agüero  oo ku jira xerada ganaaxa Southampton ayuu Fonte wax qalad u muuqday ku galay balse garsooraha ciyaarta ayaa Aguero u taagay kaadhka digniinta ah isaga oo ku eedeeyay inuus istuuray laakiin waxaa jiray taabasho muuqatay.

Garsooraha ayaa gaadhay go’aan aan fiicnayn, waxayna ahayd ugu yaraan inuu diido inay rekoodhe tahay balse taas badalkeeda wuxuu go’aansaday inuu digniin siiyo Aguero oo xaqiiqdii u muuqtay in qalad rekoodhe ahaa lagu galay.arintan ayaa noqon doonta wax ay saxaafadu si gaar ah u eegi doonto .

Daqiiqadii 21 aad ayay Southampton heshay saddex fursadood oo halis ah dhacay isla waqti kaliya,fursada ugu horaysay ayaa ka bilaaban tahay markii uu Graziano Pelle ku sigtay inuu goolka furitaanka u dhaliyo Southampton balse  wuxuu ku guuldaraystay inuu kubbada si fiican u maamusho halka isla kubbadaas oo uu Hart awoodi waayay inuu qabsado ay laba fursadood oo kale abuurtay ugu danbayn ayay kubadu baxday.

Daqiiqadii 31 aad ayuu Stevan Jovetic ku sigtay inuu City u dhaliyo goolka furtaanka kadib markii uu kubbad uu ka helay Nasri uu kula soo baxay goolhaye Foster, Jovatic ayaa kubbada ka saaray lugaha Foster dhexdooda laakiin kubbada oo aan ka talaabin xariiqda goolka ayuu difaacu ka soo gaadhay.

Inkasta oo ay qaybtii hore ee ciyaartu ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxood soo bandhigayn qaab ciyareed fiican isla markaana ay sameeyeen fursado fiican ayay haddana qaybtii hore ee ciyaartu ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man City soo laabatay iyada oo dhaarsan, waxayna daqiiqadii 51 aad heshay  la timid goolka furitaanka. Yaya Toure ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool  aad u qurux badan, isaga oo ka dhaliyay meel ka baxsan xerada ganaaxa Southampton. Aguero ayaa kubbad fiican u salaxay saaxibkii Toure kaas oo City uga faa’iideeyay fursadaa. Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay City hogaanka ciyaarta ugu qabatay.toure

Daqiiqadii 75 aad ayaa  Eliaquim Mangala ciyaarta laga saarayt kadib markii uu qaatay kaadhkiisii labaad ee digniinta ahaa, intaa wixii ka danbeeyayna waxay City ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.Southampton ayaana u muuqatay inay heshay fursad fiican oo ay ku keensan karto goolka barbaraha.

laakiin Frank Lampard  ayaa daqiiqadii 80 aad  kooxdiisa Man city u dhaliyay goolka kalsoonida.Lampard ayaa kooxdiisa uga faa’iideeyay kubbad fiican oo uu ka helay  James Milner ayuu ku dhaliyay goolkan oo aad City ugu muhiim ahaa, iyadoo ay Southampton culays badan ku haysay si ay  hesho goolka barbaraha.

Kadib markii uu Aguero laba fursadood iska qasaariyay ayuu  markale magiciisa ku qoray inuu caawiye ka noqdo goolka saddexaad ee uu Gael Clichy usaxiixay kooxdiisa City. ciyaarta ayaana noqotay 3:0 oo ay 10 ciyaartoy oo Man City ahi ku dhibaataynayaan kooxda Southampton.ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:0 ay Man City ku gumaaday kooxdii qaab ciyaareedka fiican ku naaloonaysay ee Southampton.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada