daajis.com:-Howlgalka xasilinta Muqdisho ee ay sida gaar ah uga fulinayaan caasimadda ciidammada hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka Soomaliyeed, ayaa ka socda Muqdisho, iyadoo shalay si gaar ah howlgallkaasi uu uga dhacay baraha koontaroollada ah ee laga soo galo magaalada.
Ciidammada Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, ayaa howlgalkan ka fuliyey Koontroolka Afgooye laga aado lagana soo galo, iyadoo ciidammada ay si gaar ah u baarayeen dadka iyo gaadiidka, dadweynaha, kuwa rakaabka iyo xamuulka, ciidammada ayaa su’aallo weydiinayey dhammaan dadka baaritaannada marayey.
Sidoo kale ciidammada Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa gacanta ku dhigay inta ay socdaan howlgallada baaritaannada ah rag ciidammada Sirdoonku ay bar garteen, kuwaas oo loo gudbiyey xarumaha dambi baarista ee Ciidammada Sirdoonka Qaranka, saraakiisha qaar ayaa sheegay in la ragga la qabtay qaarkood ay ka soo horeysay xog ay soo gudbiyeen shacabka Soomaaliyeed kaddibna loo gudbiyey baaris.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at