Suuq cusub oo laga hergeliyay Magaalada Baladweyne Ee G.Hiiraan(Sawiro).

Suuq cusub oo laga hergeliyay Magaalada Baladweyne Ee G.Hiiraan(Sawiro).

daajis.com:- Dhismaha suuq cusub ee laga hirgalinayo magaalada Beledweyne, ayaa waxaa maal-galinaya dowladda Britain oo qorshuhu yahay inay ka fuliso gobolka mashaariic dhowr ah waxaana dhagax-dhigay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo.



Suuqa oo ka koobnaan doona ilaa 100 dhisme ama qeybood oo ganacsi ah ayaa dhagax- dhiga kaddib waxaa ka hadllay mas’uuliyiin kala gadisan oo siweyn u soo dhaweysay mashruucan oo noqonaya mid qeyb weyn ka ah dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada iyo kaabayaashii dhaqaalle.


Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo la hadlay daajis.com ayaa sheegay in dowladda ingariiska uga mahad celinayaan mashruucan bilowgga u ah sidda uu hadalka u dhigay mashaariic kale oo la fillayo in laga her-galiyo gobolka, isaga oo sheegay in suuqa uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada ku dhaqan magaalada.

Goobta laga hergalinayo suuqa ayaa  horay u aheyd dhul banaan ah oo kubada cagta lagu cayaaro,hasse ahaatee mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya loo badali doono xarun ganacsi oo ay siweyn bulshada uga faa’ideysato.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada