Ahlusunna”Diyaarad aanan ogeyn Gedo kama soo dagi karto (sababto waa maxay?

Ahlusunna”Diyaarad aanan ogeyn Gedo kama soo dagi karto (sababto waa maxay?

daajis.com:- Xoghayaha Difaaca Maamulka Ahlusunadda Koofureed ee Dalka Soomaaliya Sheikh Isxaaq Mursal oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa Amar ka soo saaray Diyaaradaha aan la ogeyn ee ka Daga Garoomada ku yaala Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.


Sheikh Isxaaq Mursal ayaa sheegay in Diyaarad aysan ogeyn Maamulka Dowladda ee Gobolka Gedo iyo Ahlusunna aysan gabi ahaanba ka soo dagi karin Garoomada Gobolka Gedo islamarkaana Tilaabo laga qaadi doono Cidii arrinkaasi ku dhaqaaqda.

Shalay ayaa Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa ka Degtay Diyaarad ay la socdeen Ciidamo ay Wajiyadu u duuban yihiin,waxaana Magaalada ka dhici rabay Dagaal ku aadan Ciidamadaasi iyo kuwii horey u joogay Dhexmari lahaa.inkastoo markii danbe la isgartay oo Ciidamadii ay noqdeen Ciidamo Dowladda Soomaaliya ay ka Dirtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada