Col Olanya oo lagu eedeeyay xatooyo shidaal oo dhagaysiga dacwadiisa ka bilaabatay dalka Uganda

Col Olanya oo lagu eedeeyay xatooyo shidaal oo dhagaysiga dacwadiisa ka bilaabatay dalka Uganda

daajis.com:- Dhagaysiga dacwad loo haystay taliye hore oo ka tirsanaa UPDF oo lagu eedeeyay inuu si xatooyo ku iibsaday shidaal ay isticmaalayeen ciidamada AMISOM ayaa ka bilaabatay dalka Uganda.

Lt Col Benson Olanya oo ka mid ahaa taliyaashii ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/dhexe ayaa dacwadiisa dib loo dhigay kadib markii dadkii marqaatiga u ahaa ee ka difaaci lahaa eedeynta aysan gaarin dalka Uganda iyagoo weli ku sugan dalka Soomaaliya.

Dadkan marqaatiga ah ayaa waxaa ka mid ah nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed kaasoo ah nin rayid ah oo shidaal gaaraya 420 litir ugaga bedeshay Col Olanya matoor dab dhaliye ah iyo sidoo kale nin magaciisa lagu soo gaabiyay Maj Moja kaasoo 300 oo litir u isticmaalay howlgalo la sameeyay.

Sida ay daabacday New Vision Olanya ayaa illaa iyo hadda horgeeyay maxkamada saddex marqaati kuwaasoo beeneynaya eedeymaha loo soo jeediyay waxana uu hore maxkamada ciidamada ee qaadeysa dacwadiisa u sheegay in uu horkeenayo shan marqaati ah.

Maj Olonya ayaa u sheegay maxkamada in shidaalka uu ku bedeshay dab dhaliyaha loo isticmaalay howlagalo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

“Waa been in aan shidaal aan iibiyay, waxaa loo isticmaalay shidaalka howlgalo si wadajir ah ay u filiyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo AMISOM waxaana taas aan ku helay dab dhaliye aad muhiim ugu ahaa ciidamada oo mugdi badan hayay.”

Xaakimka qaadayay dacwadan ayaa dib u dhigay 7da January 2015 isagoo codsaday in la keeno labada marqaati ee maqan. Olanya ayaa waxa uu ku xiran yahay xabsiga Makindye Military Police.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada