Hooyo Afghanistan ah oo dishay 25 dagaalyahanada daalibaan kadib markii la diley wiilkeeda

Hooyo Afghanistan ah oo dishay 25 dagaalyahanada daalibaan kadib markii la diley wiilkeeda

daajis.com:-  Reza Gul oo ah hooyo u dhalatay dalka Afganistan ayaa iyadoo murugeysan waxa ay ka qeybqaadatay dagaal lagu diley 25 dagaalyahanada daalibaanka ka tirsan ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Dagaalyahanadan ayaa waxaa ay dileen hooyadan magaceeda lagu sheegay Reza Gul wiilkeeda oo ka mid ahaa ciidamo boolis ah joogay bar kontarool oo ku taal magaalada Farah oo ku taal meel ku dhow xadka dalka Iran.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybqaadatay gabar ay dhashay Haweeneydan ayaa waxaa dagaalka ay ka qeybqaadatay gabar ay dhashay iyo gabar kale oo ay u ahayd soddoh.

“Waan is celin waayay waxana aan qaatay qori(Ak).”ayay Gul u sheegtay Tolo News. “Waxaan tegey barta kontorool oo lagu diley wiilkeyga waxana aan bilaabay in aan rasaas rido.”


Seema oo ah gabar ay soddoh u tahay Gul ayaa sheegtay in dagaalku uu sii xoogeystay markii goobta dagaalka ay gaareen ciidamo ku hubeysan tikniko iyo hub fudud. Waxana aan sii wadnay dagaalka illaa iyoxabada u dambaysay.

Gabadhan ayaa sheegtay in goobta dagaalka uu ka dhacayay ay noqotay meel ay buux dhaafiyeen meydadka dagaalyahanada

Daalibaan ee weerarka soo qaaday. Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka daalibaan ee la xiriira dagaalkan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada