Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku dhawaaqay in uu yahay musharaxa Madaxweynaha G/dhexe

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku dhawaaqay in uu yahay musharaxa Madaxweynaha G/dhexe

daajis.com:- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada Hogaanka Maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa Cabdi Samad Nuur Guuleed, waxa uu kaga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, xilli halkaasi uu kulan kula qaatay qaar kamid ah Bulshada Gobolkaasi ku nool.

Waxa uu sheegay inuu yahay musharax qorshihiisa yahay inuu wax badan ka bedelo Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay inay ka go’an tahay wax qabad rasmi ah inuu la yimaado, hadii xilkaan loo doorto.

Wuxuu tilmaamay in haddii la doorto uu kor u qaadi doono nabadgalyada iyo horumarka Gobollada ku midoobaya maamulka.

Waxaa socda qorshe lagu dhisaayo Maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, inkastoo dhismaha maamulkaan uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay khilaafka udhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Musharaxiin kala duwan ayaa jira oo u hanqal taagaya qabashada hogaanka maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood horay ugu dhawaaqay inay musharaxiin yihiin kuwa kalena iminka ay qorsheynayaan inay ku dhawaaqaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada