SAWIRO:- Kooxdii Magaca Booliska Soomaaliya ku Ciyaaraysay Oo ku Soo Baxday Wareegii 2aad ee koobka WPFT2014

SAWIRO:- Kooxdii Magaca Booliska Soomaaliya ku Ciyaaraysay Oo ku Soo Baxday Wareegii 2aad ee koobka WPFT2014

daajis.com:- Garoon ka weyn ee magaaladda Lommel ee dalka Belguim ayaa waxaa si habsami ah uga socda Koobkii Ciidanka Booliska Aduunka ayadoo sannad-kaan ay Soomaali ka soo qayb gashay, waxaana ciyaartii maantay Soomaaliya la ciyaartey wadamada Germany,Israel iyo Hungary, islamarkaana ay u soo baxdey wareegii labaad ee koobka WPFT2014.

Hadii Eebe idmo berito subax waxay fooda is dari doonaan kooxda wadanka Poland ciyaarta Quater Final-ka, kooxda Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka soo qayb gasho cayaarahaan, kuwaasoo wacdaro ka soo dhigey labadii maalmood ay socdeen wareegii koowaad, islamarkaana ay soo qaateen 7 dhibcood.

Koobkan WPFT 2014 waxaa ka soo qayb galey 69 wadan kooxaha ciidamadooda, kuwaasoo soo bandhigay ciyaaro xamaasad badan ka muuqato, wixii ka soo kordhana wararka cayaarahaan waan idin soo gudbin doonaa hadii Eebe idmo.




Cabdixakiim Cabdi Ismaciil (ilkadhagax)
Belguim

E-mail: ilkadhagax@hotmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada