Daawo Sawirada Gaadiid laga lahaa Safaarada Britain ku leedahay Afgaanistan oo la isku qarxiyay

Daawo Sawirada Gaadiid laga lahaa Safaarada Britain ku leedahay Afgaanistan oo la isku qarxiyay

daajis.com:- Qarax Ismiidaami ah ayaa saakay lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo laga leeyahay Safaarada Dowlada Britain ku leedahay Magaalada Kabul ee Caasimada Dalka AFgaanistan, waxaana Weerarkan ka dhashay Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

Ruux Mooto watay iskuna soo xiray Waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay gaadiid laga leeyahay Safaarada Britain ku leedahay Magaalada Kabul, Weerarka ayaana ka dhacay Wadada lagu Magacaabo Jalalabad oo katirsan Caasimada.

Inta la xaqiijiyay 5-qof oo u badan dad rayid ah ayaa ku dhintay weerarka qaraxa loo adeegsaday, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 20-qof oo iyana u badan shacab sida laga soo xigtay Wasaarada Caafimaadka Dalka Afgaanistaan.

Gaadiidka Qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in aysan saarneen Diblamaasiyiin u dhashay Dalka Ingiriiska, waxaana Masuuliyada Weerarkan durba sheegtay Kooxda Daalibaan, waxa ayna Daalibana sheegeen in Weerarkaasi ay ku dileen dad ajaaniib ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada