Awoodda hoggaamineed ee Jawaari oo shaki laga muujiyay xilli MAanta BFS uu…

Awoodda hoggaamineed ee Jawaari oo shaki laga muujiyay xilli MAanta BFS uu…

daajis.com:- Iyadoo barri loo balansanyahay qaybinta mooshinka ka dhanka ah Raysul Wasaare Cabdiwali Sheekh iyo Xukuumadiisa, uuna ballan qaaday gudoonka Barlamaanka in barri oo Isniin ah ay noqon doonto maalintii buuqa iyo qaylada lasoo afjari lahaa,  ayaa wali xubna ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka keenay shaki wayn ka qabaan in Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari yahay nin kasoo dhalaali kara shaqadiisa hogaaminta iyo shir gudoominta kalfadhiyada Barlamaanka.

Xubnahan ayaa qaba in Gudoonka, gaar ahaan Prof.  Jawaari  ay far ku godantahay iyaga oo muujiyay inay jirto daciifnimo dhanka hogaaminta, sidaas daraadeedna loo baahanyahay in xubanaha mooshinka wada ay ka tashadaan mustaqbalka hogaankooda hadii uu barri ku guul darraysto fulinta hawlaha loo igmaday.

“Marka hore mooshin sharci ah ayaan gaynay 6dii bishan Nofember ee gaba-gabada sii maraysa. Sababtuna waxay ahayd inaan soo afjarno khilaafka madaxda sare dhex yaalla. Ilaa iyo hadda hogaanka wuxuu ku guul darraystay inuu fuliyo xeer hoosaadyada Barlamaanka. Sidoo kale wax tallaabo anshax marin ah kama uusan qaadin xubnihii firimbiga iyo dhaqan xumada keenay Golaha dhexdiisa. Waa laba qodob oo muhiim u ah in la fahmo inuusan Prof. Jawaari ahayn qof shaqadan kasoo dhalaali kara.” Sidaa ayaa yiri xubin ka tirsan Golaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Xubnaha wata mooshinka ayaa maanta shirar aan loo kala kicin kulahaa magaalada Muqdisho iyaga oo ay ka muuqato isku kalsoonaan ah ina xukuumada ridayaan hadii habsami u socodka iyo anshaxa la ilaaliyo. Tirada xildhibaanada maanta kulmay ayaa lagu sheegay 168 taas oo ka dhigan lambar aad uga badan inta xukuumadda ku dhacdo oo ah 139.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in hadii barri dib loo furo doodaha mooshinkan in Raysul Wasaare C/wali Sheekh Axmed iscasili doono maadaama uu si hoose uga warqabo inuusan tiro ku filan ka haysan xubnaha Barlamaanka. Waxaa kaloo ilaaa xalay aan ogaanay inuu dalbaday lacag aad u fara badan si uu isu casilo laakiin uu ku gacan sayray Madaxwayne Xasan Sheekh. Taas waxay kubada usoo wareejisay Barlamaanka oo barri laga doonaayo gudoonkiisa inuu sharciga Golaha u yaallo uu fuliyo.

Gudoomiye Jawaari ayaa xaalku ku xunyahay maadaama siyaasadda maamulka sadexda gobol oo uu kasoo horjeestay uu ku fashilmay kadib markii Dawladda Federaalka, maamul goboleedyada, beesha caalamka, ururka midowga Afrikca iyo uruur goboleedka IGAD ay taaageero u muujiyeen doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hadii uu Jawaari barri ku guul darraysto xakamaynta qaswadayaasha Barlamaanka oo ah tiro kooban oo hoolka laga saari karo, waxaa hubaal ah in mucaaradada lagu yahay hogaankiisa oo loo aaneeyo jileec iyo awood fulin la’aan uu usbuucyada soo socdo wayn doono jagadiisa Afhayeennimo oo ay iminkaba u guuxayaan musharaxiin kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada