Banaanbax ballaaran oo ka soconaayo Magaalada Nairobi, iyadoo Dowladda oo laga dalbaday inay soomaalida buriso

Banaanbax ballaaran oo ka soconaayo Magaalada Nairobi, iyadoo Dowladda oo laga dalbaday inay soomaalida buriso

daajis.com:- Banaanbax ballaaran, ayaa waxa uu maanta ka soconayaa Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, iyadoo Dowladda Kenya looga dalbanaayo inay wax ka qabato amni darada ku soo badaneysa dalkaasi.

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay isugu soo baxeen Xafiiska Madaxweynaha Kenya, Xarunta Baarlamaanka iyo Saldhiga Dhexe ee Magaalada Nairobi, iyagoona ku qaylo dhaaminaaya ereyo wax looga qabanaayo ammaanka.

Sidoo kale banaanbaxayasha, ayaa waxay wataan boorar lagu soo xardhay ereyo ay ka mid yihiin “Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa waa inay qaadaan tallaabo wax looga qabanaayo ammaanka.”

Banaanbaxayaasha, ayaa Madaxweynaha Kenya ku adkeynaaya inuu ficilo dhab ah muujiyo, iyadoo la badbaadinaayo nolosha bulshada reer Kenya.

Axadii iyo Isniintii, ayaa waxaa Magaalada Nairobi ka soconaayay qaban qaabo loogu diyaar garoobaayo banaanbaxa maanta sida diiran kaga soconaayo Caasimada Kenya.


Al Shabaab, ayaa sheegatay masuuliyada 28-kii qof ee madaxa looga wada toogtay duleedka Degmada Mandhera, xilli ay gaari bas ahaa ka soo raaceen Degmada Mandhera, kuna sii jeedeen Magaalada Nairobi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada