Wasiirkii Gaashaandhiga Mareykanka oo is casilay iyo Madaxweynaha Mareykanka oo loo booteeyay

Wasiirkii Gaashaandhiga Mareykanka oo is casilay iyo Madaxweynaha Mareykanka oo loo booteeyay

daajis.com:- Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykanka Jack Hagel, ayaa waxa uu warqadiisa istiqaalada uu u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Barack Obama.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa aqbalay is casilaada uu sameeyay Wasiirkiisii Gaashaandhiga, balse waxa uu xilka sii hayn doonaa, ilaa iyo inta uu Golaha Senate-ka ka meel marinaayo Wasiirkii bedeli lahaa.

Warbaahinta Mareykanka, ayaa waxay is casilaada Jack Hagel ay ku sheegeen mid ka dhalatay, dagaalka uu Mareykanka hogaaminaayo ee lagula jira Ururka Daacish, oo ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Warbaahinta Mareykanka waxay kaloo baahisay in Masuuliyiinta Dowladda Madaxweyne Obama, ay Jack Hagel weydiisteen in uu xilka ka deggo, haddii uu ku fashilmay la dagaalanka ka dhanka ah Daacish.


Daacish, ayaa dhul ballaaran kaga sugan dallaka Ciraaq iyo Suuriya, waxayna isaga gudubtaa xuduudaha labadaasi dal, oo horey ay u burburiyeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada