Ciidamada Nabad Sugidda oo Howlgal Dad lagu soo qab qabtay ka ka fuliyay Magaalada Jowhar

Ciidamada Nabad Sugidda oo Howlgal Dad lagu soo qab qabtay ka ka fuliyay Magaalada Jowhar

daajis.com:- Ciidamada amaanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Jowhar ku soo qabqabtay dad la rumeeysanyahay ineey ka mid yihiin maleeshiyaadka Alshabaab.


Howlgalka ayaa ciidamadu ay ka fuliyeen dhamaan xaafadaha iyo suuqyada degmada Jowhar,  iyagoo baarayay guryaha iyo goobaha ganacsiga, waxaana lagu qabtay howlgalkaasi tiro dad ah oo lala xiriirinayo ineey ku lug leeyihiin falalka amnidarro oo mararka ka dhaca magaaladaasi.


Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Jowhar Maxamed Siyaad Cali ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay howlgallo joogta ah oo ciidanka booliisku ka sameeyeen magaaladaasi, si looga hortago kooxaha ka dambeeya falal dembiyeedka ka dhaca magaaladaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay ineey sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah, wuxuuna tilmaamay in dhalinyarada lagu soo qabtay howlgalkan la kala saari doono ciddi dambi lagu helana sharciga la hor geyn doono, halka kuwa kalena la sii deeyn doono.


Taliyaha ugu mahadceliyay bulshada ku nool degmadaasi, sida wanaagsan oo ay ciidamada ammaanka uga gacan siiyaan soo qabashada kooxaha ka tirsan Shabaab ee ku dhex dhuumaaleeysta xaafadaha degmadaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada