Goobaanle “Waa dhaawacmay iyo warkaas waa waxba kama jiraan, waxba ima gaarin”

Goobaanle “Waa dhaawacmay iyo warkaas waa waxba kama jiraan, waxba ima gaarin”

daajis.com:-Taliyaha Guutada saddexaad ee Ciidamada xooga dalka Jen. Maxamed Rooble Jimcaale Goobaanle ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ku dhaawacmay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday oo marayay duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Jen. Goobaanle ayaa sheegay in aanay jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray, isla markaana mid ka mid ah baabuurtii la socotay uu qaraxa ka haleelay qeybta dambe.

“Waa dhaawacmay iyo warkaas la sheegayo waa waxba kama jiraan, waxba ima gaarin aniga, mid ka mid ah baabuurti ayaa markii ay gudubtay qeybta dambe qaraxa ka haleeshay, wax qasaare ah ma soo gaarin ciidamada”ayuu yiri Goobaanle oo isagoo ku sugan Buulo mareer qadka taleefanka kula hadlay Idaacada VOA.

Taliye Goobaanle oo sii hadlayay ayaa yiri “Baraawe ayaa ka imid hadana waxaa ku suganahay Buulo, nimankaas nabad diidka ahi, rasaas bey soo tuureen waana la iska caabiyay, halkii wax ka dhaceen waa nabad ciidan baan soo dhignay”.


Kolonyo ciidan oo isugu jiray ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa lagu weeraray inta u dhaxeysa deegaanada Kabtan Laas iyo Roobow oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, iyadoo halkaas dagaal saacado socday uu ku dhex maray ciidamadii wada socday iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.


Taliyaha Guutada 3aad ee ciidamada xooga dalka Jen. Goobaanle
Al-Shabaab ayaa sheegatay in mid ka mid ah kolonyadii ciidan ee uu la socday Goobaanle ay gubeen, isla markaana uu si dirqi ah ku bad baaday, weerarkan ayaa ka mid ahaa weeraro taxane ahaa oo Al-Shabaab ka geysanayeen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Bishii October ayay aheyd markii Al-Shabaab laga saaray degmada Baraawe oo xarun weyn u aheyd, iyadoo Shabaabka ay bilaabeen weeraro ay wadada ugu galayaan kolonyada ciidamada, iyagoo qaraxyo iyo rasaas la eegta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada