daajis.com:- Dagaal ayaa ka socda duleedka magaalada Kirkuk, kadib markii ay magaaladaasi duulaan xoogan kusoo qaadeen maleeshiyaadka ISIL/ISIS.
Magaalada Kirkuk ayaa ah magaalo ay ku yaalaan xarumaha laga soo saaro saliida dalkaasi Ciraaq, waxaana todobaadkan soo wajahay duulaan cusub oo ay kooxda ISIS ku dooneyso inay kula wareegto magaaladaasi muhiimka ah.
Xoogaga Kurdida oo magaaladaasi hada gacanta ku haya ayaa sheegay inay shalay dib u riixeen maleeshiyaadka ISIS, iyagoo codsaday in gacan laga siiyo dhanka saadka iyo hubka.
Kooxda ISIS ayaa dagaalo ka wada jihooyin kala duwan waxayna kooxdaasi waqooyiga Ciraaq kula dagaalameysaa Ismaamulka Kurdida, halka bartamaha Ciraaqna ay ku dagaalamayaan ISIS iyo ciidamada xukuumada Baqdaad.
Sidoo kale magaalada Kobani ee waqooyiga dalka Siiriya ayaa weli waxa isku horfadhiya ciidamada Kurdida iyo kuwa kooxda ISIS.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:29 and have
, Published at