Kuweyt oo xarun casri ah agoonta ugu dhistay Hargeysa: Sawirro

Kuweyt oo xarun casri ah agoonta ugu dhistay Hargeysa: Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa maanta xariga ka jaray mashruucii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo magaalada Hargeysa, taasoo Dowladda Kuweyt ku taageertay Caruurta Agoonta ah.

Mashruucaan oo ah mid ballaaran ayaa wuxuu ka kooban yahay dhismooyin qurux badan oo la casriyeeyay, lehna qeybo kala duwan oo loogu talagalay inay caruurta agoonta wax ku bartaan, garoomo ay ku ciyaaraan iyo qalabka madadaalada oo xiliyada nasashada loogu talagalay inay ku ciyaaraan.

Furitaankii mashruucaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wafuud ka socotay Dowladda Kuweyt, wafdi madalayay Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay wehliyeen Wasiiradiisa.

Xaruntan ayaa noqoneyso tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo laga hirgeliyo magaalada Hargeysa, taasoo wax badan ka qaban doonto baahida caruurta agoomaha iyo kor u qaadista noloshooda.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada