Daawo:- Carmaladii Cadeyd iyo Ninkeeda oo ku sugan Somalia

Daawo:- Carmaladii Cadeyd iyo Ninkeeda oo ku sugan Somalia

daajis.com:- Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in aysan dhiman Haweeneydii loogu magac madaray daray Carmaladii cadeyd oo la shaaciyay in lagu dilay dalka Ukraine, taasoo la aaminsan yahay in qeyb ku laheyd weerarkii xarunta ganacsiga Westa-gate ee magaalada Nairrobi.

Todobaadkii hore ayaa lagu shaaciyay wakaalada wararka Ruushka ee Regnum in Samantha Lewthwaite lagu dilay dilay dalka Ukraine xili ay  ka qeyb qaadaneysay dagaalada dalkaasi ka socda.

Carmaladii cadeyd ee Samantha Lewthwaite waa “nooshahay, iyada iyo ninkeedana jihaadigaa ah waxay ku sugan yihiin Somalia” ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Kenya.


Samantha Lewthwaite iyo Fahmi Jamal Salim oo hada ku sugan

Ninka qaba Haweeneydan oo leh Paasaboor been abuur ah oo uu ka heysto dalka Mozambique kuna dhegsan sawirkiisa ayaa lagu magacaabaa Fahmi Jamal Salim oo baxsad ka ah Booliska Kenya tan iyo markii uu toogasho ku dilay laba askari oo bilays magaalada Nairobi sanadkii 2011-kii.

Salim ayaa haweeneydan ku guursaday Johannesburg, ee dalka South Africa, sanadkii 2008, wuxuuna ahaa nin aad loo doon doonayay xiligaasi wixii ka danbeeyay, isagoo dadka Africaanka usoo xera geliyo argagixisada.

Germaine Lindsay ayaa horay u guursaday haweeneydan iyadoo u dhashay labo ilmo , wuxuu qarax ismiidaamin uu ka geystay goob tareemada laga raaco oo dhulka hoostiisa ah magaalada Londan bishii July 2005 waxaana qaraxaasi ku dhintay 52 qof .

Xogaha laga helaya ka hortaga argagixsada Kenya ayaa sheegaya in la helay xogo rasmi ah oo ku saabsan Lewthwaite oo ka jawaabaya wararka ay daabaceen wakaaladaha wararka Ruushka oo sheegayay in ay dhimatay horaantii todobaadkii hore.

Maamullada sir-doonka Kenya ayaa sheegaya in la helay muuqaalka haweeyneydan oo qeyb ka ah maleeshiyada argagixisada ee ku sugan geeska Arfika.

“Waxa ay khatar weyn ku tahay ammaanka, waxayna ka shaqeeynaysay oo qorsheyneysay sidii loogu aargudi lahaa duqaynta ay cirka ka geysanayan ciidamada Kenya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Kenya.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada