Wasiiro tiro yar ayaa ansixiyay hindise sharciyeedyo: Sawirro

Wasiiro tiro yar ayaa ansixiyay hindise sharciyeedyo: Sawirro

daajis.com:- Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ka warbixiyay kullan maanta uu sheegay inay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada xili inta badan Wasiirada aysan kasoo qeybgelin kulankaasi, isla markaana 17 Wasiir Kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal isaga baxeen shirka.

Ridwaan Xersi MAxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulan aan caadi aheyn oo uu yeeshay Golaha Wasiirada uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Wuxuu sheegay Mr Ridwaan in kulanka Golaha Wasiirada looga hadlay arrimo badan oo xaalada dalka ah, sida ammaanka, iyadoo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala ah hindise sharciyeedka xuduudaha iyo Federaalka iyo Hindise sharciyeedka doorashada oo ay soo bandhigtay Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay talo soo jeedin ka timid qaar ka mid ah Wasiirada ee ahaa inuu is casilo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay in arrintaas uu cad yahay, isla markaana Ra’iisul Wasaaruhu horay uga hadlay, waxaana uu qiray inay jiri karto kala aragti duwanaan.

“Wasiirkii aan la jaan-qaadi karin Shaqada Ra’iisul Wasaaraha, waxaa u furan inuu is casilo, Ra’iisul Wasaaruhu markaas wuxuu soo magacaabayaa Wasiirkii bedela”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.

Mar uu ka hadlay go’aanka Xukuumada ee shirkii Baydhabo ee loogu doortay Shariif Xasan inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay in Xukuumadu ay dib go’aan kaga soo saari doonto.

Kulankii Golaha Wasiirada ee uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goor sii horeysay isaga baxay ilaa 17 Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, kuwaasoo warqad ay u qoreen Ra’iisul Wasaaruhu kaga dalbaday inuu is casilo. 





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada