DAAWO:- Hoteelada Muqdisho oo kulamo gooni gooni ahi ku leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka

DAAWO:- Hoteelada Muqdisho oo kulamo gooni gooni ahi ku leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka

daajis.com:-Xildhibanada baarlamaanka Soomaaliya ee kala taageersan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed ayaa maanta Muqdisho ku leh kulamo gooni gooni ah.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibanada Mooshinka ka wada C/wali Sheikh Axmed Maxamed ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay kulankooda diirada ku saarayaan sidii xal loogu heli lahaa buuqa xildhibaanada mooshinka diidan ku fashiliyaan kulanka baarlamaanka.


Sidoo kale Xildhibaanada Taageersan Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankooda kulan ku leh Muqdisho’ iyagoona kulankooda uga hadlay sidii uusan u dhici lahayn Mooshinka lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda.

Shirarka ay kala gaarka ah ee ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diiday weriyaasha.


Labo jeer ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku guuldareystay inuu ka doodo mooshin codka kalsoonida loogala noqonayo R/waasaare Cabdiweli, kaasoo xildhibaanada qaar rumeysan yihiin in madaxtooyadu gadaal ka riixeyso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada