Daawo:- Sawira cusub shirka hiigsiga Soomaaliya ee Copenhagen

Daawo:- Sawira cusub shirka hiigsiga Soomaaliya ee Copenhagen

daajis.com:-  Shirka looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub ee Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark ayaa waxaa kasoo qeybgalay ergo ka ka kala socota 140 dal iyo Madaxda Soomaalida.

Furitaankii shirkan ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul wasaaraha Denmark iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, iyagoo sheegay in labada casho ee uu shirku socdo looga hadli doono qodobbo ay ka mid yihiin aragtida 2016-ka, waxyaabihii u qabsoomay Soomaaliya, sida dhismaha maamullada gobollada iyo u diyaargarowga doorashooyin dhaca 2016-ka.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah; ammaanka sida horumarradii laga saameeyay dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo arrimaha bani’aadamnimada, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan gargaar ku filan.

Maalinta labaad ee shirka oo berri ah ayaa waxaa qodobbada looga hadli doono ka mid ah, dhismaha dalka iyo ammanka, kuwaasoo ay ka mid yihiin siyaasadda, cadaaladda iyo horumarinta dhaqaalaha Somalia, xalka mustaqbalka fog oo Somalia ay yeelato iyo qodobo kale.

Waxaa la filayaa beri in war murtiyeed dhowr qodob ka kooban si wada jir ah looga soo saaro gabagabada shirka.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada