Madaxweyne Xasan Sh. oo furay shirka Copenhagen: Sawirro

Madaxweyne Xasan Sh. oo furay shirka Copenhagen: Sawirro

daajis.com:- Waxaa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ka furmay shirka looga hadlayo arrimaha Somalia ee loogu magacdaray Hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

Furitaanka shirkaan waxaa lasoo sheegayaa inuu khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Haweyneyda Ra’iisul wasaaraha ka ah dalka Denmark Helle Thorning-Schid iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jefrfrey Feltman.

Shirkaan oo Laba maalin socon doona ayaa hadda xubnaha ka qeyb galaaya waxay guda geli doonaan arimo ay ka mid tahay horumarka dalka, dhismaha maamul gobaleedyada iyo arimo kale oo u badan Hiigsiga 2016.

Sidoo kale qodobada ugu muhiimsan ee aad loo falanqeyn doono waxaa ka mid ah sidii deg deg loogu dhameystiri lahaa, islamarkaana loo meel marin lahaa Dastuurka dalka u yaala oo hadda Ku meel gaar ah, iyo sidoo kale sidii dalka ay uga dhici lahayd doorashooyin xur ah sanadka 2016.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada