Daawo Sawirada:- Maandooriye iyo dad saqraansan oo lagu qabtay Muqdisho

Daawo Sawirada:- Maandooriye iyo dad saqraansan oo lagu qabtay Muqdisho

daajis.com:- Howlgal ballaran oo lagu soo qabqabtay maandooriye qeybahiisa kala duwan iyo dadkii ka ganacsanayay ayaa maanta ciidamada dowladda Federaalka ay ka fuliyeen degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Waxaa fuliyay howlgalkan ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen ragii ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya iyo qarashaad lagu kala iibsanaayay.

Ragga lasoo qabqabtay ayaa qaarkood ahaa kuwo saqraansan oo awoodin in ay socdaan, kuwaasi oo iska badiyay xashiiska iyo qamriga.

Saciid Cabdiqaadir Saciid Guddoomiyaha Degmada Shangaani oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dambeeyay, markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen waxyaabaha maanka dooriya oo xaafada qaar lagu iibiyo, kadibna ciidamada Booliiska howlgalkaan ay maanta ku dhaqaaqeen.

Wuxuu sheegay in lasoo qabtay ragii ka ganacsanaayay maandooriyaha iyo lacagihii lagu kala iibsanaayay, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in sharciga lala tiigsanaayo raga maandooriyaha ka ganacsanaayay.

Degmooyinka Shangaani, Xamar Weyne iyo Shibis ayaa lagu tilmaamaa degmooyinka ugu badan ee lagu iibiyo maandooriyaha qeybahiisa kala duwan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada