Daawo Sawirada:- Dibad baxyo Rabshado Xoogan wata oo kasocda Magaalooyin kuyaala Dalka Mareykanka

Daawo Sawirada:- Dibad baxyo Rabshado Xoogan wata oo kasocda Magaalooyin kuyaala Dalka Mareykanka

daajis.com:-Rabsho ayaa ka bilowday magaalada Ferguson ee dalka Maraykanka kadib markii la shaaciyey inaan la maxkamadeyn doonin Askarigii dilay wiil Madow ah.

Saacado kahor ayaa la shaaciyey go’aankii Xeer-beegtadii loo saaray inay soo baaraan in uu danbi galay Askarigii cadaanka ahaa ee magaalada Ferguson ku dilay wiil lagu magacaabo Michel Brown, bishii Agoosto ee sanadkan.

Dad badan oo sugayey go’aanka maxkamada ayaa ka carooday in Askariga dilkan geystan aan wax maxkamad ah la saari doonin, kadib markii xeer-beegtada (Grand Jury) ay sheegeen in askarigaasi uu naftiisa difaacay.

Michel Brown wiilka madow ee la dilay 9kii bishii Agoosto ayaa waxa toogtay askari cadaan ah oo ku dhuftay 12 xabadood, xili wiilkaasi uusan wadan wax hub ah.

Daqiiqado kadib markii la shaaciyey go’aanka maanta kasoo baxay Maxkamada ayaa waxaa magaalada Ferguson ka bilowday banaanbaxyo rabshado wata, waxaana bililiqo lala beegsaday qaar kamid ah dukaamada magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale jira isu-soobaxyo ka dhacaya magaalooyinka Washington, Chicago, New York iyo gobalka California.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay ka codsaday shacabka inay isdajiyaan oo ay ka fogaadaan wixii amniga dhaawacaya.

Ehelada wiilkii la dilay ee Michel Brown ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamada, waxaana la filayaa inay qabtaan shir jaraa’iid.

Dowlada Maraykanka ayaa horey uga cabsi qabtay in xiisadan markale bilaabato, taasi ayaa keentay in Guddoomiyaha gobalka Missouri Mr.Jay Nixon uu todobaadkii hore sheegay inuu heegan geliyey ciidamada, iyadoo laga cabsi qabay in dadka ku qanci waayaan go’aanka maxkamada.

Dilkii Michel Brown ayaa saameeyey magaalada Ferguson iyo guud ahaan dalka Maraykana.

Dadka madow ayaa ku dhaliilay Booliiska magaalada Ferguson oo u badan Cadaan inay cunsuriyeeyaan dadka ku dhaqan Ferguson oo u badan madow.

Xiisadan ayaa markale sare usoo qaaday xasaasiyada ay shacabka Maraykana ka qabaan midab-kala sooca ka jira dalkaasi oo ah mid ku faana horumarka dhanka isdhexgalka iyo dimuquraadiyada.

W/ D Khalid Yusuf















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada