Dowladda Kenya oo Duqaymo isdabajoog ah ka wadda tuulooyinka Xadka Soomaaliya

Dowladda Kenya oo Duqaymo isdabajoog ah ka wadda tuulooyinka Xadka Soomaaliya

daajis.com:Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa maanta duqeeyay deegaano ku dhow dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo meelaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen dad reer Miyi ah iyo xoolo


Duqeynta diyaaradaha milatariga Kenya ayaa jawaab u aheyd weerar Al-Shabaab ay sabtidii la soo dhaafay ka geystay duleedka magaalada Mandhera, halkaasoo ay gaari bas ahaa kala degtay rakaabkii saarnaa, iyadoo dishay ilaa 28 ruux.


Gudoomiyaha degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo Yuusuf Kaanti ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka kenya ay si saf mareen ah u duqeeyeen tuulooyin xadka ku dhow oo ay ku laayeen dad iyo xoolo.

“Duqeynta waxay dhacday shalay, doraad iyo maanta, waxayna ciidamada Kenya madaafiic ku garaaceen deegaano ka tirsan Beledxaawo oo ay ku noolaayeen dad reer Miyi ah, waxaa ku dhintay ilaa labo qof, xoolo badana waa ku baaba’een”ayuu yiri Yuusuf Kaanti.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen deegaanka Gadoon-Dhawe ay ku dileen ilaa labaatan dagaalyahano, sidoo kale ay duqeeyeen xero Al-Shabaab ay ku laheyd xuduuda.


Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyay sheegashada Kenya ee ku saabsan duqeynta, waxaana uu xusay inay nabad ku soo laabteen dagaalyahanadii fuliyay howl galkii ka dhacay Mandhera, waxaana uu beeniyay hadalka Kenya.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeeyay deegaano ku dhow dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo meelaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen dad  xoololeey ah.

Duqeynta diyaaradaha milatariga Kenya ayaa jawaab u aheyd weerar Al-Shabaab ay sabtidii la soo dhaafay ka geystay duleedka magaalada Mandhera, halkaasoo ay gaari bas ahaa kala degtay rakaabkii saarnaa, iyadoo dishay ilaa 28 ruux.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada