DEG DEG: Jawaari oo looga yeeray Villa Somalia iyo Xubno ka tirsan QM oo su’aalo weydiinaya

DEG DEG: Jawaari oo looga yeeray Villa Somalia iyo Xubno ka tirsan QM oo su’aalo weydiinaya

daajis.com:- Warar lagu kalsoon yahay oo iminka naga soo gaarayo Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha ayaa la sheegayaa in halkaasi uu kulan kula qaadanayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan QM oo si gaar ah u daneynaayo wax ka Ogaanshaha Mooshinka maanta fashilmay.

Jawaari ayaa lagu wadaa in wax laga weydiin doono qaabka uu u dhacay Kulanka fashilmay iyo halka ay Caqabadu ka taagan tahay.

Sidoo kale, Jawaari ayaa waxaa Su’aalo laga weydiinayaa waxyaabihii uu kala kulmay Xildhibaanadii ka careysnaa Mooshinka, waxaana la filayaa in inta uu socdo kulankaasi Natiijo wax ku ool ah laga gaari doono Fashilada is bar bar socda ee ka imaanayo gudbinta Mooshinada.

Dhanka kale, kulanka ayaa ah mid uu Albaabada u xiran yahay, waxaana Xafiiska Madaxweynaha ku wada jiro Xubnaha aan kor kusoo xusnay.

Madaxweyne Xassan ayaa muujinaayo dareen aan farxad ku lalneyn, waxa uuna Fashilka Mooshinada ka wareysanayaa Wasiirada iyo Xildhibaanada, inkastoo aysan suuragaleynin inaan helno xogta rasmiga ah ee kulanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada